
Khamiis, January 21, 2010(HOL): Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa maanta lagu xusay sannadguuradii 37-aad ee kasoo wareegtay maalinta saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana goobjoog ka ahaa xafladdii lagu xusayay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, Wasiirro, Wariyeyaal ka socda Warbaahinta Madaxa-banaan.
Hadallo kala duwan oo looga hadlay saxaafadda Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii lasoo gudboonaaday intii ay jirtay ayaa halkaas laga soo jeediyay, iyadoo Dowladda uu u hadlay wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Ibbi.
"Saxaafaddu waxay la kulantay dhibaatooyin kala duwan oo fara badan, waxaana u rajeynayaa inay noqoto mid dalka ka gudbisa dhibaatooyinka uu ku jiro" ayuu yiri Prof. Ibbi oo u rajeeyay suxufiyiinta Soomaaliyeed inay baraare ku noolaadaan.

Wariyeyaal ka socday Warbaahinta xorta ah iyo mas'uuliyiin kale oo ka hadlay xafladad ayaa waxay iyaguna ka hadleen dhibaatooyinka ay saxaafaddu kala kulanto dhinacyada iska soo horjeeda, kuwaasoo sabab u noqday inay dhintaan wariyeyaal badan oo howlahooda shaqo ku jiray.
"Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dil, xarig iyo dhibaateyn kale, runtiina waxay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag, iyagoo diyaar u ah inay bulshadooda u shaqeeyaan" ayuu yiri wariye u hadlay warbaahinta xorta ah.
Xafladda ayaa waxaa heesho guubaabo ah oo ku saabsan howlaha saxaafadda Soomaaliyeed xiliyadii dagaallada ka qaaday halkaas Hobolladii hore ee Soomaaliya, kuwaasoo ku guubaabinayay suxufiyiinta inaysan howlaha ay u hayaan shacabka marna ka seexan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya