Khamiis, January 21, 2010(HOL): Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay ka codsatay dalalka deeqaha bixiya inay joojiyaan hubka ay ugu deeqayaan DFKMG, iyagoo ku tilmaamay mid sii badinaya colaadaha iyo rabshadaha ka jira Soomaaliya.
Warbixinta hay'addan oo xarunteedu tahay Magaalada London ee dalka Britain ayaa waxay ku sheegtay inay aad uga walwalsan tahay in hubka la siiyo Dowladda uusan lahayn koontarool dhab ah, iyadoo ciidamada ay u isticmaalaan inay ku waxyeelo ugu geystaan dadka rayidka ah ee aan dagaalada lugta ku lahayn.
"Hubka loogu deeqo Dowladda Soomaaliya ma jirto cid koontaroosha sida loo adeegsanayo, waxaan u aragnaa inuu yahay mid wax lagu yeelao xuquuqda aadanaha ee dadka shacabka ah" ayaa lagu yiri warbixinta hay'adda oo ay soo xigatay AFP.
Mareykanka ayaa hub ugu deeqay dowladda Soomaaliya, kaasoo ay ku jireen hoobiyeyaal, waxaana hay'addu ay sheegtay in loo adeegsaday si aan munaasab ahayn, laguna garaacay qaarkood goobo ay ku nool yihiin dad rayid ah.
"Beesha caalamka waa inay joojiso gabi ahaan hubka ay siinayso DFKMG ah, qalabka kale ee ciidamada iyo lacagta" ayay ku tiri hay'addan warbixinteeda, iyadoo caalamka ka dalbatay in la xoojiyo cunnoqabteyntii hubka ee Soomaaliya la saaray sannadkii 1992.
Hay'adda Amnesty International waxay warbixinteeda ku sheegtay in hubka loogu deeqo Dowladda uu qaarkood geli karo gacanta kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.
Dagaallada ka socda Soomaaliya ayay sheegtay hay'addu inay yihiin kuwo dhib badan loogu geystay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, iyadoo kooxaha iskasoo horjeeda ku tilmaantay kuwo aan dadka u turin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya