Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xadkau dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Khamiis, January 21, 2010(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Xarakatu shabaabul Mujaahidii ee  deeganka Dhoobley ayaa maanta ugu hanjabay Ciidamada Dowlada Kenya ay xadka soo dhoobtay inay tallaabo ka qaadi doonan haddii ciidamadaasi ay usoo gudbaan dhanka wadanka Soomaaliya.

 

Ciidamo aad u fara badan oo la sheegay inay kor u dhaafayaan 1500 oo askari oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shalay waxa ay dowlada Kenya soo dhoobtay xadka Somalia ay kala wadaagto dhanka gobbalka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-Shabaab.

 

Sheikh Max’ed Carab guddomiye  ku xigeenka maamulka Islaamiga ah ee deegaanka Dhoobley oo maanta la hadlaayay Idaacadda ku hadasha Afka maamulka ee Al-andalus ee ku taal magaalada Kismaayo ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in haddii ay dhacdo in ciidamada Kenya ay u soo gudbaan dhanka xadka Soomaaliya inay tallaabo ka qaadi doonaan walow masuulkani usaan faafaahin ka bixin tallaabada ay ka qaadi doonaan nooca ay tahay.

 

Si kastaba ha ahaatee hanjabaadahan  ka soo yeeray maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Deegaanka Dhoobley ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay ahayd ay dowlada Kenya soo dhoobtay ciidamo xooggan oo aad u qalabeysan xadka ay Kenya kala wadaagto soomaliya dhanka gobolka J/hoose, ilaa iyo haatan lama oga hadafka ciidamadaasi loo soo dhoobay xadka, waxaana ilaa iyo shalay gebi ahaanba istaagay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee isaga kala gooshi jiray gobolka Waqooyi bari Kenya iyo deegaanka Dhoobley.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya