BILOW KEEROW: "Dowladda Kenya waxay waddaa olole ay kaga hortagayso ganacsiga iyo kobaca Soomaalida"

Khamiis, January 21, 2010(HOL): Mudane Bilow Aadan Keerow oo horay mid ahaa Xildhibaannada dalka Kenya ayaa ku eedeeyay xukuumadda Kenya inay waddo olole ka dhan dadka Soomaalida ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu doonayo in dalka looga saaro Soomaalida.

Keerow wuxuu sheegay in dhawaanahan ay jireen ololayaal ay waddo dowladda Kenay kaasoo ay saxaafadda dalkaas dhinac kawaddo, laguna doonayo in looga saaro Kenya oo dhan dadka Soomaalida ah oo ganacsi xoog leh ku leh tiro ahaanna fara batay.

"Raafka ay wadaan ciidamada dalka Kenya waa mid aan lagu kala soocayn dadka Soomaalida ah Kenyan ha ahaado ama yuusan ahaa, sharci ha lahaado ama yuusan lahaan" ayuu yiri Bilow Keerow oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda Soomaaliga.

Mudanahan hore wuxuu sheegay in sidoo kale ay socdaan warar ku aaddan lacagta ay Soomaalidu ganacsiga kaga sameysatay Kenya markii ay kasoo qaxeen dalkooda kuwaasoo la sheegay inay kasoo galeen Burcadbadeeda, qaar kalena ay lacagtoodu tahay mid dalka sharci darro lagu soo geliyay.

"In dadka Soomaalida ah la doonayo in laga saaro Kenya waxaa kuu caddeyn kara gurigeyga hortiisa laga qabtay Xaaskeyga iyo Gabar aan dhalay, saacado ayaa lagu hayay xabsiga, waxayna ahaayeen muwaadiniin u dhashay Kenya" ayuu yiri Bilow Keerow.

Siyaasigan oo laga soo dooran jiray Gobolka Soomaalida Kenya ayaa sheegay in waxa ka socda dalka Kenya ay yihiin wax aan la aqbali karin, laguna hayb soocayo Somalida oo keliya.

Ilyaas Barre Shiil iyo Max'ed Kediye oo iyaguna horay uga mid ahaa Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in raafka aan kala sooca lahayn ee ay wadaan askrta dalka Kenya uu yahay mid lagu koobay Soomaalida taasna ay shaki weyn keentay.

"Dadka la qabqabanayo waxaa loogu marmarsiyooday mudaaharaadkii ka dhacay Magaalada Nairobi Jimcihii lasoo dhaafay, balse waa arrin ka weyn sida aan qabo, waayo calankii ay wateen dadkii dibadbaxa dhigay ma ahayn midka Al-shabaab, waayo innagu waa naqaanaa" ayay labadan mudane dhankooda u sheegeen warbaahinta.

Xukuumadda Kenya ayaa horay u sheegtay inaysan joojinayn howlgallada ay ku qabqabanayso dadka Soomaalida ah, inta ay ka xaqiijinayso Ammaanka, waxaana wasiirka ammaanka uu sheegay inay raadinayaan dad xiriir la leh Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya