Khamiis, January 21, 2010(HOL): Waxaa laga dayrinayaa xaaladda dadkii uga barakacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan dagaallada u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda, iyadoo baqdin kale laga qabo inay kasii barakacaan goobiha ay hadda ku sugan yihiin.
Deegaannada ay dadkan u barakaceen ayaa waxaa gaaray ciidamada dagaalku u dhexeeyo, sida deegaannada Baar-dheere iyo Beer-Xaano, halkaasoo ay ku sugan yihiin boqolaal qof oo ka barakacay Baladweyne.
"Nolosheennu waa mid aad u adag, waayo waxaan ahayn qoys garab rarto ah oo ku nool wixii ay maalintaas helaan, wax shaqo ah ma jirto, mana jiraan cid aan ka helnay gargaar, runtii xaalad aad u xun ayaan ku jirnaa" ayaa laga soo xigtay qaar ka mid ah qoysaskii ka barakacay Baladweyne.
Hay'adaha gargaarka ayaan shaqeyn, iyadoo dadkii ka cararay Baladweyne oo aad u fara badan ay hoos-joogaan geedo waaweyn, iyagoo agabkoodii uga tagay Magalaada, waxayna ka cabanayaan qabowga daran ee habeenkii dhacaya.
Kooxaha iska soo horjeeda ayaa wuxuu dagaalkooda ku baahay Gobolka oo dhan, iyagoo isku horfadhiya deegaano dhowr ah oo ay dadku u barakaceen, iyadoo gobolka ay ka jiraan abaaro aad u daran oo baabi'iyay xoolihii.
Dadka ka barokacay Magaalada Baladweyne ayaa waxay u baahan yihiin gagaarka deg-deg ah maadaama aysan shaqeynayn hay'adaha gargaarka ee Gobolka ku sugan, waxaana dadkaas qaarkood ku dhacay cudurro ay ka mid yihiin dhiig la'aan iyo kuwo ay ka qaadeen qabowga dhacaya.
Magaalada Baladweyne ayaa xalaadeedu dagan tahay inkastoo ay kooxaha iskasoo horjeeda weli isku horfadhiyaan buundooyinka u dhexeeya Magaalada, waxaana jirta cabsi weyn oo ay dadku qabaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]