Jimco, 12 Feb, 2010 (HOL) Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Saalax Badbaado ayaa lagu la'yahay maalintii labaad Magaalada Muqdisho iyadoo aan la garanayn halka uu rasmi ahaan ku sugan yahay.
Ehellada Mudanahan ayaa u sheegay warbaahinta inaysan aqoon halka uu jiro, balse ay ugu dambeysay aragtidiisa gallinkii dambe ee Khamiistii shalay, kaddib markii uu ka baxay gurigiisa.
Mudanahan ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu aaday kooxaha dowladda kasoo horjeeda, iyadoo la sheegayo inuu isku dhiibay dhinacyadaas, balse ma jiraan warar xaqiijinaya arrintaas.
Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ah guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay maqleen in Xildhibaanka la waayay, balse aanay sheegi karin halka u ku sugan yahay oo ay ku jiraan baadigoobkiisa.
Boqorre wuxuu gaashaanka ku dhuftay in Xildhibaan Saalax Badbaado uu isku dhiibay kooxaha dowladda kasoo horjeeda, wuxuuna wararkaas ku tilmaamay kuwo aan la isku halleyn karin.
Xildhibaan Saalax Badbaado ayaa ka mid ahaa mudanayaashii dhawaan soo jeediyay in la doorto guddoomiye cusub oo Baarlamaanku uu yeesho, kaddib markii ay sheegeen inuu xilligiisu dhammaaday.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya