Friday, February 12, 2010(HOL): Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta Salaaddii Jimcaha kaddib dadweyne aad u faro badan kula hadlay Masjidka Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku baaqay dagaal ka dhan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee gacanta siinaya.
Shiikh Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ah saraakiisha sare sare ee Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah looga baahan yahay in ay hubka u qaataan sidii ay isaga celin lahaayeen cadaw ay leeyihiin oo uu ku sheegay Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.
Wuxuu sheegay Abuu Mansuur in ay Ciidamadooda diyaar u yihiin dagaal ay la galaan dhinacyada ka soo horjeeda, wuxuuna caddeeyay in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid xaq ah oo ay dalka uga saarayaan sida uu hadalka u dhigay Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada taageeraya.
Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Abuu Mansuur duqeynta joogtada ah ee ay Ciidamada Amisom ku hayaan goobaha dadka Rayidka ah sida buu yiri Suuqa weyn ee Bakaaraha, Siinaay, Suuqa Xoolaha iyo meelo kale oo Muqdisho ka mid ah.
Waxaa kale oo uu Abuu Mansuur ku tilmaamay wax laga xumaado sida ay saraakiisha Ciidamada Amisom ku dafiraan duqeynta ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed iyo weliba khasaaraha ka dhasha duqeyntaas.
Hadalka Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan magaalada Muqdisho laga dareemayo diyaargarow dagaal, kaasi oo ay ku jiraan dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya