
Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tababarka Tababarayaasha Kubadda Koleyga heerka 1-aad [Coaches Clinic Level I ]oo ay soo qabaqanqabiyeen FIBA iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna socday 2-dii ilaa 11-kii bishan.
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay kuna saabsan xeritaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada dal iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada Kubadda Koleyga iyo Kubadda Gacanta,Saraakiisha sare ee Ilaalada Jamhuuriga [ Guardian Of Republic] .

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka XSKK C/Casiis Godah oo ka warbixiyay sida wacan ee Tababarkan ugu soo gabagaboobay wuxuu tibaaxay in XSKK uu dadaal u galay hirgelinta Tababarka una soo xulay Tababarayaal lagu kalsoonaan karo waxqabadkooda .wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti XKKJ,XKCJ iyo saraakiisha xerada Ilaalada jamhuuriga iyo Khabiirka R.Owino oo uu ku tilmaamay Macalin wajiibkiisa si wanaagsan ugu soo dhilaalay.

Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Somaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] oo ku dheeraaday in muddo bilooyin ah ku dadaalayeen taabagelinta tababarkan oo uu sheegay in ay GOS kala kaashadeen Olympic Solidarity oo maalgelisay tababarkan wuxuuna u mahadceliyay mas`uuliyiinta XSKK, madaxda isboortiga jabuuti oo uu sheegay in ay mar in aan mar walba la iloowi karin walaaltinimda ay u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed .
Wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha tababarkan qaadanaya in ay ka faa`ideysataan fursadan qaaliga isla markaasna ay noqdaan kuwo u faa`ideeya jiilka soo koraya ee K/Koleyga. Dhanka kale Guddoomiyaha GOS ayaa ugu mahadceliyay shirkadaha ganacsiga ee Jubba Airways iyo Qaran Express oo gacan muhiim ah ka qaatay dhiirigelinta isboortiga Soomaaliyeed .

Macalin R. Owino oo Tababaraha Tababarayaasha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee tababarkan u socda ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu Tababarka si guul leh ugu soo dhamaado wuxuu sheegay inuu aad ugu raaxaystay sida wacan ee ay Tababarayaasha ugu heelanaayeen tababarka , wuxuu talo xiriirka ugu soo jeediyay in ay sii labalaabaan dadaalka horumarinta isla markaasna mar walba ay noqdaan Tababarayaasha kuwo soo saaro da`yar Kubadda koleyga oo dalkooda wax tara , wuxuu kula dardaarmay in Tababrayaasha haatan Course qaatay ay noqdaan kuwo isku xiran oo urur yeesha kana shaqeeya horumarinta Kubadda Koleyga .
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olambikad Jabuuti Faysal C/raxmaan A.Raguib ayaa tibaaxay in ay farxad u tahay inuu arko sida weyn ee isboortiga Soomaaliyeed kor loogu qaadayo wuxuu GOS u balan qaaday in ay mar walba la garab joogaan hiil hooba .
Cornel. Maxamed Jaamac oo ah Sarkaalka maamula Xerada Tababarka ay ku qaadanayeen Tababarayaasha K/Koleyga ee Ilaalada Jamhuuriga [Guardian De Republic ] ayaa kula dardaarmay Tababarayaasha Soomaalyeed in ay ka shaqeeyaan horumarinta ciyaarahooda gaar ahaan Kubadda koleyga wuxuu sheegay in ay mar walba caawinayaan Isboortiga Soomaaliyeed .
Kusimaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Jabuuti Axmed Daahir Good ayaa iyagu ku dhiirigeliyay Macalimiinta qaatay Tababarka in ay mar walba xasuusnaadaan sidii ay u caawiyi lahaayeen saaxibadood aan fursadda u helin iyo in ay soo saaraan macalimiin gaarta heer wanaagsan.
Waa markii labaad tababar Caalami ah oo ay ka qeybqaadanayaan tababarayaasha K/Koleyga oo heerka 1-aad waxaana kani uu uga duwanaa xagga tirade (21) iyo meel ka baxsan dalka oo lagu qabanayo. 




Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Email:[email protected]