Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar Kaar waxaa lagu soo gaba gabeeyay Colaad u dhaxaysay labo beelood oo wada dega Gobolkaasi ,kuwaasi oo ay ka dhaxaysay dhiilo Colaadeed.
Labada Beelood ayaa meel ka baxsan magaalada waxa ay ku kala qaateen Geel dhan 100 Tuldood,iyadoo ay Goobta joogeen Qabiiladii ay dhibaatadu kala gaartay.
Waxaa Goobta magta lagu kala qaatay soo xaadiray Madaxwaynihii hore ee Puntland ,General Cade Muuse, Guddoomiyaha Degmadda Qardho,Guddoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan iyo qaar ka mid ah odayaasha ugu muhiimsan Puntland.
Beelaha Magta kala qaatay ayaa ahaa (Warfaa Cali Bahdir-rooble iyo Bah-yaaquub) kuwaasi oo wada Dega Magaaladda Qardho,waxaana coladooda ay ka soo bilaabtay Dad ay iska kala dileen.
Madaxwaynihii hore ee DGPL General Cade oo khudbad ka jeediyay Shir lagu qabtay guriga degmada Qardho ayaa sheegay in ay Muhiim tahay Dhamaynta khilaafadka u dhaxeeya beelaha wada daga meelo ka mid ah Puntland.
Waxaa kaloo Cade Muuse uu Maamulka degmada ku eedeeyay in ay iska iska indho tiraan badanaa Colaadaha ka jira meelo ka mid ah gobolka kar kaar ,isagoo Beesha Cismaan Maxamud u jeediyay in ay ka garbaxaan beelaha ay isla daganyihiin.
Ugu danbayntii odayaasha degmada Qardho ayaa ka codsaday Maamulka in amaanka aad looga shaqeeyo ,waxaana Qardho ka dhacay Bilihii la soo dhaafay Colaado sokeeye oo u dhaxeeya beelaha wada dega Gobolka Kar Kaar.
Faisel Maxamed Hassan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya
Beelo ku dagaallamay degmada Qardho oo gagdhow Geel ah kala qaatay
More News
- Deeq daawo ah oo ay soo dhiibeen shacabka Mareykanka oo maanta ka soo degtay Dekedda Muqdisho (Daawo Sawirro)
- Magaalada Muqdisho oo ay maanta ka dhaceen dagaallo khasaarooyin kala duwan geystay
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad lagu la'yahay Magaalada Muqdisho
- Wasiirkii Isboortiga Soomaaliya oo Sacuudiga ku geeriyooday
- Al-Shabaab oo ku baaqday dagaal ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom
- OGEYSIIS MUHIM AH OO KU SOCDA SOOMAALIDA KU NOOL UK
- Mas'uuliyiinta Maamulka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan oo maanta meel fagaaro ah kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRRO)
- Tababarkii Tababarayaasha K/Koleyga Soomaaliya Oo lagu Soo Gabagabeeyay Djibouti (DAAWO SAWIRRO)