Talaado, 14 December, 2010 (HOL) − Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saartay, qalalaase shalay ka dhacay dekedda Muqdisho, kaddib markii mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay inuu joojiyay howlihii dekedda.
Wasiirrada loo saaray xaqiiqo raadinta, ayaa waxay kormeer ku tageen dekedad, iyagoo sheegay inay howlaha dekeddu si caadi ah u socdaan, ayna baaritaan ku wadaan sababta keentay in xidhibaanku uu is-hortaag ku sameeyo howlaha dekedda.
"Kulan ayaan maanta maamulka dekedda kual qaaday dekedda gudaheeda, innagoo kala hadalnay shaqaaqadii shalay dhacday, balse wixii kasoo baxa baaritanka aan wadno waxaan shaacin doonnaa marka ay kulammadu noo dhamaadaan," ayuu yiri wasiirka dekedaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade oo la hadlay saxaafadda.
Wasiirku, wuxuu sheegay in guddigan wasiirrada ah ee loo saaray baaritaanka wixii ka dhacay dekedda Muqdisho, uu ka yimid kulan ay wasirrada dowladdu yeesheen, si xal looga gaaro murankan cusub.
Guddigan, ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka cadaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Ebyan Nuur, wasiirka dastuurka, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Maxamuud Boonow, ku xigeenkiisa Siciid Maxamed Jimcaale iyo xubno kale.
Wasiirradan, ayaa sheegay in howlaha dekeddu ay caadi u socdaan, aysanna jirin howl la joojiyay, waxaana tallaabada ay xukuumaddu qaadday imaanaysaa, kaddib markii uu xildhibaan Maxamed Jaamac Furux uu sheegay inuu howlaha dekedda u joojiyay lacagaha kasoo xarooda oo la musuqmaasuqo.
Tallaabadan, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadato ficilka uu xildhibaanku sameeyay, iyadoo aan la ogeyn sida laga yeeli doono cabashada kasoo yeertay xildhibaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya