Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo iska kaashanaya hormarinta amniga guud ee dalka

Talaado, 14 December, 2010 (HOL) − Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa dalka jabuuti kula kulmay ra’iisul wasaaraha Somaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) oo ay ka wada hadleen arimo ku saabsan iskaashi dhex mara labada dhinac iyo amaanka.

"Kulanku wuxuu ahaa mid ay labada masuul kaga wada hadleen kor u qaadista xiriirkooda iyo in la dhamaystiro heshiiskii  DKMG ah iyo Puntland ay horey ugu wada gaareen magaalada Gaalkacyo " ayaa lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Garowe.

Ra’iisul wasaare Maxamed C/laahi ayaa Puntland ku aamanay kaalinta ay ku leeyihiin ilaalinta nabad galyada gobolka ,waxaana kulanka ay wada qaateen labada masuul uu ka dhacay hotel Kamdhiski ee Magaalada Jabuuti.

Sidoo kale ra’iisul wasaare  Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Puntland si gaar ah ugu hambalyeeyay koobka lagu qabanayo magaalada Garowe ee ay ku tartamayaan gobolada dalka Somaliya ,kaasi oo maalinta barri ah furmaya.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ee ku sugan dalka Djibouti waxaa ka mid ah wasiirka arimaha gudaha Cabdullahi Axmed Jamac,waxaana socdaalo kala duwan ay ku soo bixiyeen wadamo ka tirsan africa iyo carabaha.

Kulanka labada masuul ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay wada qaataan tan iyo markii Ra’iisul wasaaraha cusub la soo magacaabay,inkastoo Puntland aysan ku qancin wasiirada xukuumada farmaajo ku jira hadan kulanka waxa uu ku dhamaaday is-afgarad iyo in la wada shaqeeyo. 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Soomaaliya