Xildhibaan Furux oo Madaxweyne Shariif ku eedeeyay inuu xubno ay isku juf yihiin u magacaabay xubno ay isku dhow yihiin

Talaado, 14 December, 2010 (HOL) − Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo ciidan uu hoggaaminayo ay shalay qalaanqal geliyeen howlaha dekedda Muqdisho, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inuu u magacaabay dad ay isku jufo yihiin ilaha dhaqaalaha dalka.

"Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, wuxuu u magacaabay ilaha ay DKMG ah kasoo galaan dhaqaalaha rag ay isku jufo yihiin, waxaana go'aan ku gaaray inaan hakad-geliyo howlaha dekedda inta laga saxayo khaladkaas, lana ogaanayo halka uu dhaqaaluhu ku baxo," ayuu yiri xildhibaan Furux oo la hadlayay BBC-da.

Balse, maareeeyo xigeenka dekedda Muqdisho Axmed Cabdi Kaahiye, oo isaguna la hadlay saxaafadda, ayaa beeniyay in howlaha dekeddu ay hakad ku jiraan, balse ay jirto in ciidammo uu hoggaaminayo xildhibaan Furux ay shaqaaqad ka sameeyeen illinka hore ee dekedda.

Mudane Furux, ayaa wareysigiisa ku sheegay in dhaqaalaha dekedda kasoo xarooda uu ku dhaco jeebabka shaqsiyaad ay isku jufo yihiin madaxweynaha, intii kalena ay ooman yihiin, isagoo sheegay in arrintaas ay u adkeysan waayeen oo uu tallaabadan u qaaday.

"Ciidammada AMISOM, way mahadsan yihiin. Ma jirto wax tallaabo ay qaadeen intii aan howlgalka ku jiray, mana jirto wax xabbad ah oo dhacday," ayuu yiri Furux oo ka jawaabayay in falkiisa ay caro ku abuurtay ciidammada AMISOM ee gacanta ku haya ammaanka dekedda Muqdisho.

Xildhibaanku, wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ugu weyn ilaha ay dowalddu dhaqaalaha ka gudaha ka hesho, ay maamulaan xubno si hoose isugu dhow yihiin madaxweyne Sheekh Shariif, taasna aysan aqbalayn.

"Howlaha dekedda, waa kuwo si cadi ah ku socda cid joojisayna ma jirto," ayuu yiri Kaahiye oo ah maareeye xigeenka dekedda Muqdisho, isagoo xusay in dhaqaalaha dekedda kasoo xarooda qaabka loo maamulo ay sheegi karto hay'ad shuqul ku leh, balse uusan sheegi karin qof shaqsi ah.

Mudane Furux, oo ahaa xilligii hoggaamiye kooxeedyada mas'uulka gacanta ku hayay dekedda Muqdisho, oo wax laga weydiiyay inuu kala hadlay madaxweynaha arrintan, ayaa sheegay inuu meel walba u maray, balse wax laga qaban waayay.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaan wax hadal ah kasoo saarin eedeynta kaga timid xildhibaan Furux, sidoo kalena ma jirto wax tallaabo ah oo ay dowladdu ka qaadatay ficilka uu xildhibaanku hakadka ku geliyay howlaha dekedda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya