Talaado, 14 December, 2010 (HOL) − Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta ka joojisay qaar ka mid ah hay'adaha gargaarka howlihii ay kawadeen Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeysay inay kasoo qaybgeli waayeen kulan looga hadlayay xaaladda dalka ka taagan.
War-saxaafadeed, maanta oo Talaado ah kasoo baxay wasaaradda macdanta, biyaha iyo shidaalka dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in hay'adaha UNICEF, NRC, DBG, ICRC, DRC iyo CONCERN laga joojiyay howlihii ay ka hayeen dalka Soomaaliya.
"Hay'adahan, waxaan ku casuunnay inay kasoo qaybgalaan shir looga hadlayay waxqabadkooda iyo xaaladaha biyaha ee ka taagan Soomaaliya, balse way ku guuldarreysteen inay kulankaas kasoo qaybgalaan, taas ayaana keentay inaan shaqooyinkoodii ka joojinno" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan kasoo wasaaradda macdanta, biyaha iyo shidaalka, kaasoo uu saxaafadda u akhriyay wasiir ku xigeenka wasaaraddaas C/raxmaan Yuusuf Faarax.
Wasiir ku xigeenku, wuxuu sheegay in howl-joojinta ay ku sameeyeen hay'adahan ay gaarsiiyeen madaxda dalka ugu sarreysa iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka.
Hay'adahan, ayaa ka saacidi jiray dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha dadka ku barakacsan gudaha iyo daafaha caasimadda Soomaaliya, ayaan ka hadlin amarka lagu soo rogay ee looga joojiyay howlihii ay ka hayeen dalka.
ICRC, oo ka mid ah hay'adaha shaqooyinkooda laga joojiyay, ayaa waxay gacanta ku haysaa isbitaallada Madiina iyo Keysaney oo ka mid ah saddexda Isbitaalka ee ka shaqeeya Muqdisho, kuwaasoo la geeyo dhaawacyada ka dhasha dagaallada.
"Waan la xisaabtami doonnaa, hay'ad walba oo aan kasoo qaybgelin kulan loogu yeeray, tallaabaddanna waa mid looga hortagayo musuqmaasuq ay caadeysteen hay'adaha gargaarka iyo NGO-yada," ayuu yiri C/raxmaan.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in dalka uu ka dhacay isbadal oo aan la aqbali doonin in magaca Soomaaliya lagu cuno lacago badan, ayna xukuumaddu xoogga saari doonto sidii ay u koontarooli lahayd halka uu ku baxo gargaarka loogu talogalay Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya