Kooxdii Kubada cagta Gobolka Hiiraan oo u ambabaxday Garoowe, si ay uga qaybgalaan ciyaaraha gobollada

Talaado, 14, Dec, 2010 (HOL)  Inkastoo maalin ka hor xabsiga magaalada Beledweyne laga sii daayay kooxda Kubada Cagta goballka Hiiraan iyo qaar ka mid ah maamulkooda sare, ayaa haddana dhinaca kale waxaa galin-kii danbe ee shalay ka anba baxay magaalada Beledweyne cayaartoydii kooxda Kubada Cagta goballka iyaga oo ku sii jeeda magaalada Garoowe.

Lama oga in maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ka warqabaan bixitaanka cayaartoydan iyo in kale, laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in maamulu amar ku siiyay kooxda in aysan ka qeyb-gali karin cayaaraha ka furmaya Garoowe, islamarkaana cayaartoydu qaateen go'aan iyaga u gaar ah.

Maalinta bari ah oo ku beegan 15- Dec, 2010 ayaa lagu wadaa in si rasmi ah u furmaan cayaaraha goballada, waxaana magaalada Garoowe ku wada sugan dhamaan kooxo ka kala socda goballada dalka, marka laga
reebo goballka Hiiraan oo iyaguna lagu wado in ay gaareen saacadaha soo socda haddii ay suurtagasho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya