Axad, 19, Apr, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa maanta meel fagaare ah waxaa uu kala hadlay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo isugu soo baxay ilinka hore ee Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan.
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo hadal dheer u jeediyay dadka isu soo baxay ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisu si weyn u soo dhaweynayo go'aankii uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in Dalka Soomaaliya lagu dhaqi doono Shareecada Islaamka.
"Muddo Dheer ayaan sugeynay dhawaaqa ka soo yeeray Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in lagu dhaqayo Dalka Shareecada Islaamka oo ah tan kaliya ee dadku ku badbaadayo, sidaa daraadeed waa in dadka reer Hiiraan la shaqeeyaan Dowladda" ayuu yiri Shiikh Macow.
"Annaga haddeynu nahay Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan si buuxda ayaan u garab taagan nahay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waayo wixii aynu u soo dhiminay waxaa ay ahaayeen in mar uun dalkan lagu dhaqo Shareecada Islaamka" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Sidoo kale waxaa halkaas hadal kooban ka soo jeediyay Guddoomiyaha Gollaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan Nabadoon Maxamuud Axmed Xooshow Koronto oo sheegay in Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan garab taagan yihiin Dowladda, waxaana uu ammaan u jeediyay Gollaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka isagoo ku bogaadiyay go'aankii ay gaareen.
Waa markii ugu horreysay oo uu Maamulka Goballka Hiiraan si buuxda ugu dhawaaqo in uu la shaqeynayo Dowladda Federaalka, waxaana xusid mudan in Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu horay u sheegay in dadka ku dhaqan Goballka uu kula dardaarmayo in ay la shaqeeyaan Dowladda haddii ay qaadato Shareecada Islaamka haddii kalese ay ka fiirsadaan.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si buuxda isugu raacday maalintii shalay ahayd ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaana muuqaneysa in go'aankii maalintii shalay Dowladdu gaartay in uu meesha ka saarayo dooddii ay qabeen qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda kuwaas horay ugu tilmaamay Dowladda in ay tahay mid ku taagan Dastuurkii ay kula dirireen tii ka horeysay ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya
SHIIKH C/RAXMAAN IBRAAHIM MACOW:" Si buuxda ayaan u taageersanahay Dowladda mar hadii ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka"
More News
- Banaanbax lagu taageerayay Go'aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in Shareecada Islaamka lagu xukumo Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirrada)
- Dowlad Goboleedka Puntland oo loo samaynayo Ciidamo la dagaallama Burcad Badeedda
- Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in Shareecada Islaamka Dalka lagu xukumo oo Muqdisho si weyn looga soo dhaweeyay
- Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo ugu baaqay Xildhibaannada Baarlamaanka in ay qaataan hub ay naftooda ku difaacayaan
- Ciidamada loo sameeyay in ay sugaan ammaanka Koofurta Gaalkacyo oo howlgalkoodii ugu horreeyay bilaabay
- Seddex Nin oo habeen hore laga af-duubay Magaalada Beledweyne oo dib u helay xorayaddoodii