Axad, April 19, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa si weyn looga soo dhaweeyay go’aankii uu shalay gaaray Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in Shareecada Islaamka lagu xukumo Dalka Soomaaliya.
Isbaheysiga Xisbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo loo baahnaa in la qaado.
Shiikh Muuse Carraale oo ah Afhayeenka Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan ayaa sheegay in tallaabada uu qaatay Baarlamaanka Soomaaliya ay ahayd mid horumar leh oo horay loo qaaday, wuxuuse sheegay in uu Baarlamaanka la soo daahay go’aankaas.
“Waxaan leenahay waxaa loo baahan yahay in go’aanka ficil loo bedelo, isla markaana laga dhaqangeliyo meelaha ay Dowladda ka taliso oo maalin kasta ay ka dhacaan falal nabadgelyo darro ah”ayuu yiri Shiikh Muuse Carraale oo sheegay in meelaha aysan dowladda ka talin ay yihiin kuwo nabadoon.
“Waxaa kale oo loo baahan yahay in Ciidamada Shisheeye Dalka laga saaro, sidoo kalena la bedelo Nidaamka Federaalka ee wax loogu qeybsado 4.5”ayuu yiri Shiikh Muuse Carraale, kaasi oo uu ku tilmaamay mid aaney shareecada Islaamka ogoleynin.
Sidoo kale waxaa soo dhaweeyay go’aanka Baarlamaanka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Isbaheysiga Xisbul Islaamka Garabka Shiikh Maxamed Xasan Camey waxayna dhammaantood sheegeen in go’aanka Baarlamaanka uu ahaa mid meesha ka saaray muran ahaa in aaney Dowladda Soomaaliya diyaar u ahayn in ay ku dhaqanto Shareecada Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya