Dowlad Goboleedka Puntland oo loo samaynayo Ciidamo la dagaallama Burcad Badeedda

Axad, April 19, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr C/raxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in Puntland loo samaynayo ciidamo Badda ah oo ka hortaga dhibaatooyinka Burcad Badeedda.

Madaxweyne Faroole ayaa hadalkaan ku sheegay war qoraal ah oo la soo gaarsiiyay Warbaahinta Boosaaso, taasi oo ku aadan in Maamulka uu la dagaallamayo Burcad Badeedda si loo dhimo xaddiga afduub ee ka dhaca Xeebaha Puntland.

Sidoo kale Madaxwayne Faroole ayaa Qaramada Midoobay ka codsday in maamulkiisa lagu taageero lacag dhan $20 Milyan  si loo sameeyo ciidamo ka hortagga Burcad badeeda Soomaaliya. "waxaan diyaarinaynaa ciidamo gaaraya 2,000 askari si ay uga hawlgalaan Xeebaha ku teedsan Puntland, mana jirto tabar aan u leenahay Burcadda haddii aan nala caawin"ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Madaxwaynaha DGPL Dr. C/raxmaan Faroole ayaa u jooga Kenya in uu ka qayb galo kulan looga hadlayo Burcad Badeedda, kaasi oo ka furmi doona magaalada Nairobi, isla markaana ay ka qayb galayaan in ka badan 20 dawladood oo caalamka ka tirsan.

Meelo ka mid ah Xeebaha Puntland ayaa iminka afduub loogu haystaa in ka badan 8 Markab oo caalamka laga leeyahay, inkastoo Maamulka oo iminka dadaal ballaaran ugu jiro sidii loo yareyn lahaa Burcadda oo caqabad wayn ku noqday Maraakiibta isaga kala  gooshta Xeebaha Soomaaliya.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya