Axad, April 19, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in ciidamo dhawaan loo sameeyay magaaladaas gaar ahaan qeybta Koofure ay bilaabeen howlgallo ay Ammaanka ku sugayaan.
Ciidamadaas oo ka kala socda Maamulka Gal-Mudug iyo Dariiqada Ahlu Sunna ee ku sugan Koofurta Gaalkacyo ayaa waxa ay habeennadii aynu ka soo gudubnay howlgallo amni sugid ah ka wadeen Magaalada oo ay horay uga dhici jireen falal amni darro ah.
Laakin howlgalkii ugu dambeeyay oo ay Ciidamadan isku dhafka ah ku doonayeen in ay ku qaadaan Isbaaro ay dhigteen kooxo maleeshiyooyin ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Ciidamada Ammaanka Koofurta Gaalkacyo, waxaana iska hor-imaadkaas oo xalay dhacay ku dhintay horjoogihii Ciidamadaas labo askari oo la socdayna waa ay ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koofurta ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka amni sugidda ah ee ay Ciidamadaas sameeyeen, waxayna sameeyeen isu soo baxyo ay ku taageerayaan Ciidamadaas.
Ciidamadan isku dhafka ah ayaa Koofurta Gaalkacyo loo sameeyay kadib markii ay Magaalada ku soo bateen falal amni darro ah oo qaarkood lagu dilay Dad isugu jiray, Culumaa’udiin, Nabaddoono iyo Ganacsato.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya