Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo ugu baaqay Xildhibaannada Baarlamaanka in ay qaataan hub ay naftooda ku difaacayaan

Axad, April 19, 2009(HOL): Afhayeenka Howlgallada  Maxkamdaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo shalay la hadlayay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii la ansixiyay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay hubkooda qaataan isla markaana ay iska difaacaan kooxo doonaya in ay dhibaateeyaan.

“Waxaan leenahay Mudanayaasha Baarlamaanka hubkiina qaata, naftiinana ka difaaca kooxo doonaya in ay naftiina dilaan”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tababar siiyaan Xildhibaanaddii aanan aqoonin sida hubka loo isticmaalo ee la isu difaaco.

“Waxaa jooga dadkii idinka oo muslimiin ah idin gaaleysiiyay oo dhiiggiina banneystay, marka u diyaargarooba in ay iska difaacdaan kooxahaas”ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiikh C/raxiin Ciise Caddow.

Hadalka uu sii daayay Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkii hore labo maalmood oo isku xigta  Muqdisho lagu dilay Xildhibaan C/llaahi Ciise Abtidoon iyo Shariif Maxamuud Xasan oo labadana ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka balse ku biiray Dowladda Soomaaliya.

Ka sii horna waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaawacay Xildhibaan Caamir Maxamed Axmed (Caamir Shakeeti), kaasi oo haatan dhaawaciisa daweyn loogu qaaday Dalka Uganda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya