Eeyo weerar ku qaaday Beeraley ku nool Deegaanka Mustaxiil ee Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Cabirka Farta
Isniin, Maarso 02, 2009 (HOL)  Wararka laga helayo dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan deegaanka Mustaxiil ayaa sheegaya in Eeyo raxan-raxan u socda ay weerar ku qaadeen dad beeraley ah oo watigaa ku howlanaa tacbashada beer ay ku lahaayeen deegaanka weerarku ka dhacay.
 
5- Ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda ayaa lagu soo waramayaa in Eeyuhu dhaawaceen waxaa wararku intaas ku darayaan in 3- ka mid ah dadka dhaawacmay uu soo gaaray dhaawaca halis ah isla markaana la dhigay goob caafimaad si loo daweeyo.
 
Arintan oo ah mid ku cusub dadka deegaanka mustaxiil ayaa shaki iyo cabsi intaba waxaa ay ku abuurtay dad badan oo beeraley ah kuwaas oo mar marka qaar xiliyada habeenkii dhex jiifta gudaha beerahooda.
 
Inta badan arrimahan ayaa waxaa ay dhacaan xiliyada Abaaraha oo ay duur-joogtu waayaan wax ay ku noolaadaan taasoo keentay in marka dambe ay ku soo jeestaan dad kula nool deegaanka, waxaana ka mid ah dugaaga xiliyadaas oo kale weerarrada geysta Daanyeerka oo lagu tiriyo in uu ka mid yahay duur-joogta ku nool dhirta iyo balliyada biyo-galeenka ah xiliyada roobka.
 
Weerarkan Eeyuhu qaadeen ayaa wuxuu astaan u yahay  dhibaatada abaarta ee ka taagan deegaano badan oo ka mid ah dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo bilihii aynu soo dhaafnay laga soo deyrinayay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia