Isniin, March 02, 2009(HOL): Munaasabad lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilal kula kala wareegay Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.
Wasiirrada Xilka la wareegay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Shiikh Cali Aadan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Juriile, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayr Maareeye,Wasiirka Horumarinta Reer Miga Khadiijo Maxamed Diiriye iyo kuwo kale.
Wasiirrada Xilka lagu wareejiyay ayaa waxaa la guddoonsiiyay dukumiintiyo ay ku shaqeynayeen Wasiirradaha ay xilkooda qabteen, kuwaasi oo soo shaqeynayay muddo afar sanadood ka badan.
Munaasabadda ay Wasiirradan xilalka kula kala wareegayeen ayaa waxaa ugu sareeyay madaxda ka soo xaadirtay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi. Prof. Ibbi oo munaasabadda ka hadlay kadib markii ay Wasiirrada xilalka la kala wareegeen ayaa sheegay in Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ay si dhaqsi ah u bilaabeyso howlaheeda, isla markaana ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka Dalka Soomaaliya ka jira.
Sidoo kalena, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadal jeediyay kadib markii dukumiintiyada Wasaaraddiisa lagu wareejiyay ayaa sheegay in aaney macno sameynin in kaliya dukumiintiyo la isku wareejiyo, wuxuuna soo jeediyay in lala xisaabtamo Wasaaradihii horay u soo shaqeynayay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu diyaar u yahay in qudhiisa oo labo jeer wasiir soo noqday lala xisaabtamo.
Ugu dambeyntiina, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa Soomaaliya loo soo dhisay Dowlado dhowr ah, kuwaasi oo dhamaantood lagu soo magacaabayay Dalka Dibaddiisa, iyadoo ay xusid mudan tahay in mar kasta oo Xukuumadahaas la soo dhiso ay ku soo noqonayeen Caasimadda Soomaaliya oo ay burbursan yihiin dhammaanba xarumihii Dowladdii hore lahayd, taasina waxay keentay in ay Wasiirrada la soo magacaabo ku shaqeeyaan Hotello ama guryo ay ka kireysteen Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia