Isniin, March 02, 2009(HOL): Hal ruux oo rayid ah ayaa geeriyooday 2 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen Isgoyska Km5 ee Magaalada Muqdisho.
Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta keentay is-rasaaseynta dhimashada iyo dhaawaca sababtay ee ciidamadaas dhexmartay, marka laga reebo in dadka nawaaxiga Isgoyskaas ku heysta goobaha ganacsi ay maleeyeen in iska hor-imaadkaas uu la xiriiray xurguf soo kala dhexgashay Ciidamada isku dhacay.
Iska hor-imaadkaas oo waqti kooban socday ayaa wuxuu hakad geliyay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee goobahaas, inkastoo daqiiqado kadib ay dib u soo noqotay xasiloonidii Isgoyska km5 ee Degmada Hodan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ay is-rasaaseeyaan, waxaana taasi laga dhadhansan karaa nidaam iyo kala dambeyn la’aanta ciidamada hubeysan ee hadba dowladdii loo soo dhiso Soomaaliya.
Ciidamada Dowladdii TFG-da oo intooda badan laga xareeyay magaalada Muqdisho ayaa waxaa marka kasta dhexmari jiray isku dhacyo salka ku haya kala shaki soo kala dhexgalay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo Ciidamada ay iska foofaan macno la’aan, isla markaana ay mararka qaarkood tagaan degmo uusan ku oolin Saldhigga ay hoos-tagaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia