Isniin, March 02, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay amarro ay soo saareen maamullo ka jira Gobollo ka tirsan Soomaaliya, kuwaasi oo soo saaray ammar ah in aan la sameyn karin xus lagu weyneynayo dhalashadii Nabi Muxamed CS.
Afhayeenkan oo lagu magacaabo Shiikh C/risaaq Al-Ashcari ayaa u sheegay Idaacadda Capital Voice ee magaalada Muqdisho in dadka diidan in la xuso Nabi Muxamed ay yihiin kuwo dagaal gaar ah kula jira xuska Nabiga, wuxuuna taas ku sababeeyay in aysan ka hadlin xusaska kale ee loo sameeyo maalinta Shaqaalaha, Maalinta Aids-ka, Maalinta Haweenka, Maalinta Wadamada ay Calamadooda xusaan iyo kuwo kale.
Shiikh C/risaaq Al-Shcari waxaa uu sheegay in ay waajib tahay in la xuso dhalashadii Nabi Muxamed CS, wuxuuna sheegay in ay taas daliil cad u heystaan, “Dadka ka soo horjeeda xuska nabiga NNKH waa kuwo aan diidmadooda ku saleyneynin Xadiith iyo Aayat Qur’aan ah, waxaana leenahay shacabka Soomaaliyeed yaan dheg loo dhigin amarrada dadkaas, xuska Nabigana hala dhigo”ayuu yiri Shiikh C/risaaq Al-Ashcari.
Afhayeenkan u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo sheegay in uu ku sugan yahay Gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay weyneeyaan dhalashada Nabi Muxamed CS, isagoo caddeeyay in ay ka hor-tegayaan cid kasta oo isku dayda in ay ka joojiso qiimeynta ay u sameynayaan dhalashadii Nabi Muxamed NNKH.
Shalay ayay ahayd markii maamullo ka taliya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gedo ay soo saareen ammar ah in aan la sameyn karin xaflado lagu weyneynayo dhalashadii Nabi Muxamed CS, waxayna sheegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii u hoggaansami weyda awaamiirtooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia