![]() |
| Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya- Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke |
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo shirkaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha kala hadleen sidii looga hortegi lahaa dagaallo kale oo dalka ka dhacay, sidii Ciidamada Amisom dalka looga saari lahaa iyo sidii dib u heshiisiinta loo sii wadi lahaa iyo sidii Shareecada Islaamka dalka loogu xukumi lahaa.
“Ra’iisal Wasaaraha waxaan u jeedinay talo ahaan in aaney joogitaanka Ciidamada Amison faa’iido badan u lahayn Shacabka Soomaaliyeed, in Dib u heshiisiinta lagu xeel-dheeraado iyo in aaney dagaallo kale dhicin iyo in shareecada Islaamka dalka lagu xukumo, waana naga aqbalay Ra’iisal Wasaaraha”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu muuqdaa mid uruursanaya xogta dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna shalay kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socday hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu iyana kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.
Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha hay’addaas ayaa sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha talo ahaan ugu jeediyeen seddex qodob oo kala ahaa in Xukuumaddiisa ay Shareecada Islaamka Dalka ku xukunto, In ay joojiso dhiigga daadanaya iyo in ay dadaal dheeraad ah u gasho faragelin Soomaaliya looga hayo gudaha iyo dibadda, wuxuuna carrabka ku dhuftay Shiikh Bashiir in uu Ra’iisal Wasaaraha ka aqbalay taladii ay u jeediyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
