Axad, January 04, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay la socdaan maleeshiyooyin Soomaali ah ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ay dhawaanahan ka talinayeen xoogag Islaamiyiin ah.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo aad u hubeysan ayaa waxaa la socda Maleeshiyooyin ay hoggaaminayaan Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale iyo Xildhibaan Nuur Mataan iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii ka talin jiray Magaalada Kismaayo iyo weliba Maamulkii Gobolka Gedo.
Degmooyinka ay la wareegeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo Maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee la socda ayaa waxay kala yihiin Buulo Xaawo iyo Buur-Dhuubo, iyadoo sidoo kalena la sheegayo inay ku sii wajahan yihiin deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Saraakiisha hoggaamineysa Maleeshiyooyinka Soomaalida ah ayaa waxaa xoog looga soo saaray Magaalada Kismaayo kadib dagaal ay la galeen Xoogag Islaamiyiin ah oo haatan magaaladaas ka taliya, waxayna tan iyo xiligaas ku sugnaayeen oo ay isku soo abaabulayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.
Lama oga in Ciidamadan Itoobiyaanka ah iyo Maleeshiyooyinka la socda ay ku hakan doonaan Gobolka Gedo iyo in ay u sii gudbi doonaan Gobollo kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliyana uu ku soo beegmayo iyadoo ay saacado yar ka harsan yihiin waqti ay Dowladda Itoobiya u qabatay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, kaasi oo ah 5-ta Janaayo 2009.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia