Dibadbax looga soo horjeedo duqeynta Israa’iil ee Gaza oo lagu qabtay Degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan

Cabirka Farta

Axad, January 04, 2009(HOL): Dibadbaxayaasha oo isugu jiray dhamaan qeybaha Bulshada ayaa socod dheer waxaa ay ku mareen gudaha Degmada Buula-burte iyaga oo dadka ugu baaqaya in ay ka soo qeyb galaan socodka lagu canaabreynayo duqeynta Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin.
 
Waxaana markii danbe dadkii isku soo baxay kula hadlay fagaaraha Xarunta Maamulka Degmada Buula-burte Culimaa'udiin si kulul u canbaareysay weerarka arxan-darrada ah ee diyaaradaha Israa’iil ku hayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, gaar ahaan waxaa ay Culimadu eedeyn kulul dusha kaga tuureen wadamada reer Galbeedka iyo dalka Mareykanka oo ay ku tilmaameen kuwo raali ka ah dhibaatada lagu hayo shacabka reer Gaza.
 
Dadka isku soo baxay ayaa sitay Boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen'' Dhiiga dadka reer Falastiin waa dhiigeena,'' Waa in Yahuudu joojisaa dhibaatada ay ku hayaan Caruurta iyo Haweenka aan waxba galabsan, Wadamada Carabtu maxey uga aamusan yihiin waxa ku dhacaya Walaalahood reer Falastiin iyo waliba erayo kale oo dhaamaatooda ka turjumaya sida dadka Soomaliyeed uga damqanayaan waxa ka dhacaya Magaalada Gaza.
 
Diyaaradaha Israa’iil ayaa wali wada duqeyn ay ku hayaan Magaalada Gaza, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in Ciidamada lugta ah ee Israa’iil u dhaqaaqeen dhinaca Xadka si ay u qaadaan weerarro ka dhan ah Dagaal-yahaniinta Xamaas oo oo gandaallo ku tuuraya qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka Israa’iil.
 
Todobaadkii aynu soo dhaafnay oo kaliya ayaa duqeynta Diyaaradaha Israa’iil waxaa ku naf waayay ku dhawaaq 500 oo ruux kuwaas 66 ka mid ah yihiin Caruur, sidoo kale waxaa dadka ku dhintay duqeytaasi ka mid ah Mas'uuliyiin ka tirsan Ururka Xamaas oo ay bartilmaameedsadeen Diyaaradaha Isra’iil.
 
Dadka ka bad baaday duqeyta Diyaaradaha Israa’iil ayaa wali ku xayiran Magaalada mana heystaan adeeggii dhinaca Nolasha waayo sida ay ku waramayan Wariyayaasha jooga Magaalada Gaza waxaa ay u qeysameen kuwo bur buray iyo kuwo haawanaya oo laga kala cararay.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa isha lagu wada hayaa sida maalmaha soo socda isku badali doonto Magaalada Gaza, iyo waliba tallaabada Beesha Caalamku ka qaadi doonto Dowladda Israa’iil oo aan si aan kala sooc laheyn u beegsaneysa dadka rayidka ah ee reer Falastiin.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia