Caawi Caruurtan la xanuunsaneysa cudurro la soo dersay

Cabirka Farta

Axmed Adan Abdi 5 bilood jir ah
Axad, January 04, 2009(HOL): Dhamaan waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u sheegayaa in ay caawa i soo gaartay arrin deg deg oo ku saabsan xaaldad caafimad darro ah oo la soo deristay caruur soomaaliyeed oo ku nool dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Axmed Adan Abdi, Shukri Mohamed Abdi iyo Caabiro Axmed Xuseen.

Axmed Adan Abdi wuxuu qabaa Cudurka Madaxa biyaha galaan" hydrocephalus"  Inkastoo ay la soo daaheen soo bandhigada dhibka canugaan haya,  hadana waxaan aamin sanahay in aysan  u qornayn inay soo bandhigaan dhibkaan goor hore,  ama waxaa laga yabaa in aysan i aqoonin meel ay gaayaan canugooda yar oo caafimaad ugu helaan.

Waa arrin aad iyo aad murugo leh oo uu dareemi karo qofka dhibkaan oo kale hore u arkey ama yaqaano xanuunka inta uu la egyahay ama waalid canugiisa yar xanuunsan yahay.  Canugaan yar waxaa maskadiisa ka buuxa biyo, wuxuuna u baahan yahay  qaliin deg deg oo laga soo saaro biyaha, maskada kaga jira  kadibna markii laga soo saaro biyahaas waxaa yaraano Madaxa wayn..
 
Kadib markii aan heley codsiga wiilkaan caawa ayaan la  xariirey si deg dega ah dhaqtarkii jooga Nairobi, nasiib wanaagna wuuna iga aqbaley inuu qalo wiilkaan, wuxuuna iga codsaday in aan si dhaqsi ah loo geeyo Magaalada Nairobi Kenya .
 
Wiilkaan waxuu jiraa 5 bilood , Runtii waxuu ku jiraa xaalad adag, balse waxaan ilaah ka baryayaa in ilaah u fududeeyo safarkiisa iyo qaliinkiisa.Waxaan kaloo ka codsanyaa in dhamaan umadda Somaliyeed in cid Alle  iyo cidii aragta in ilmahooda sidaan oo kale ay noqon rabaan inay si deg deg ah ula xariiran COGWO ama aniga [email protected].

Caabiro Axmed Xuseen 7 bilood jir ah

Sidoo kale waxaa maanta ila soo xariiray reerka gabadhaan yar oo qabta cudurka baarka ku dhaca iyo Kilyaha oo wax ka jiraan ( sida ay sheegeen dhaqaatiirta Somalia) Gabadhaan waxaa la yiraahdaa  Caabiro Axmed Xuseen, waxay jirtaa 7 Bilood. Caabiro waxay u baahan tahay Baaritaan xaga Beerka iyo Kilyaha ah .waana baaris u baahan in si deg deg loo qaado  Nairobi.

Waxaan filaa in Maalinta Isniinta uu bixi doono wiilka madaxa biyaha kaga jiraan, waayo waxaa loo helay tikidhkii uu Nairobi ku gaari lahaa, laakin Labada  gabdhood  ee kale waxay sugayaan in aan u raadino tikidhkii  is u gaaraan Isbitaalka Nairobi ee lagu daweynayo.

Shukri Maxamed Cabdi 5 bilood jir ah
Waxaa kaloo maanta ila soo xariirey oo aan heley warbixin caafimaad ( Medical information)  Shukri Mohamed Abdi oo jirta 5 bilood deganna Magaalada Afgooye. Shukri waxaa buro kaga soo baxday dhabarka gadaal, taasi oo  loo yaqaan ( Spina bifida) waxay u baahan tahay qaliin deg deg ah in looga qaado Magaalada Nairobi. Spine bifida si aad ah waxay wax ugu gaysataa caruurta, mar marka qaarkoodna waxay keentaa inuu canuga jiisoobo.

Dhanka kale, Hadda waxa  Nairobi jooga 3 gabdhood oo ayagu u dhamaadey qaliinkooda, laguna guulaystey qaliin la mid ah midka uu wiilkan u baahan yahay. Waxayna ku soo noqon doonaan wadanka haddii ilaah yiraahdo, waxayna sugayaan ballantii caafimad ee ugu damabaysey inta aysan ku soo noqon wadanka gudihiisa.  Dhamaantood 3 caruur iyo waalidkood  waxay sugayaan waa in aan ku caawino tikidhkooda soo noqoshada. iyo in aan ka caawino inta  ay joogaan Nairobi oo wax lala qabto.
 
Fadlan nagala qayb qaado sidii aan wax ugu qaban lahayn caruurtaan dhibaataysan, waxaa si toos la soo xariirtaa 

Caabiyo Ciise
612-298-1044
Minneapolis Minnesota
Fartuun Hussein
612 481-4623

Minneapolis Minnesota, amaba waxaad ku soo hagaajin kartaa Dahabshiil Minneapolis suuqa karameel. Sanduuqa Caabiyo iyo Caashiyo iyo Rooble ee  caruurta Somaliyeed.

Abdi Muuse Maaxaay
[email protected]
Minnesota, USA