Axad, January 04, 2009(HOL): Guddiga Ammaanka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay xabadda joojiyaan marka ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.
Axmed Diiriye Maxamed oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Ammaanka ee Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa sheegay in aan loo baahneyn in dhacdo xabad dambe, isla markaana ay dad kale oo Soomaaliyeed dhintaan kadib marka ay baxaan Ciidamada Itoobiyaanka.
“Looma baahna in aan dad kale iska dilno, waana in aan badbaadsannaa dadka ka haray dagaalladii dalka ka dhacay”ayuu yiri Axmed Diiriye Maxamed oo sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay dalka Soomaaliya ka wada baxayaan maalmaha soo socda.
Waxaa uu ugu sii baaqay Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay ammaanka sugaan oo ay ka digtoonaadaan in marka ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay yimaadaan xaalado amni darro ah oo dadka iyo dalka uga sii daraya.
Hadalka uu sii daayay Mas’uulkan ka tirsan Guddiga Ammaanka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo ay berri ku beegan tahay waqtigii ay Dowladda Itoobiya qabsatay in ay Ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia