Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka digay in ay dagaallo dhexmaraan Xoogagga Muqaawamada ee dagaallama Soomaaliya

Cabirka Farta

Axad, January 04, 2009(HOL): Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa ka digay dagaal dhexmara xoogagga Muqaawamada ah ee dagaalka kala  soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada shisheeye ee dalka Soomaaliya ku sugan.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id ku qabtay Degmada Diin-soor ee gobolka Bay ayaa wuxuu sheegay in aan loo baahneyn in haatan oo ay dalka Soomaaliya ka baxayaan Ciidamada Itoobiya in ay dagaallamaan xoogagga Muqaawamada.

“Dhammaan mujaahidiinta waxaan ugu baaqayaa in ay midoobaan oo ay awooddooda iyo xabaddooda u mideeyaan Cadawga”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in laga wanaagsan in sida uu u yiri in qaar ka mid ah xoogagga Muqaawamada ay ku mashquulaan saldhig-qabsasho.

“Waxaan leeyahay iska daaya saldhig-qabsashada ee u soo jeesta xabadda aad ku rideystaan ciidamada cadawga”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in xitaa haddii ay baxaan Ciidamada Itoobiya ay la sii dagaallami doonaan ciidamada kale ee ka socda Midowga Afrika ee ay haatan Soomaaliya ka joogaan kuwo ka socda Uganda iyo Burundi.

Abuu Mansuur waxaa la weydiiyay suurtagalnimada in uu wada hadal dhexmari karo iyaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay taasi dhici karto waa haddii buu yiri ay ka towbad keenaan dembiyadii ay galeen.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaa uu ka hadlay dagaallada beryahan ka dhacayay Gobolka Galgaduud ee la sheego in ay u dhaxeeyaan Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, wuxuuna caddeeyay in aanu jirin dagaal kala dhaxeeya Ahlu Sunna, “Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ma jiro dagaal nagala dhaxeeya, waana dad walaalaheen ah, haatan oo aan idinla hadlayana waxaa nala jooga Sheekha Ahlu Sunna ugu weyn Gobollada Bay iyo Bakool”ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in dagaalkaas ay ka dambeyso Dowladda Itoobiya oo uu sheegay in ay  ku fashilantay dagaalkii ay ku soo gashay Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia