Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha cusub Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Cabirka Farta
Sabti,  January 31, 2009(HOL): Xubnaha ugu sareeya Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa markiiba muujiyay taageerada ay u hayaan hoggaanka cusub ee uu dalku yeeshay gaar ahaan Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku soo baxay doorashadii saakay waabarigii hore ku soo dhamaatay Dalka Jabouti.
 
Mas'uulyiintu waxaa ay sheegeen in wax lagu faraxo tahay in ugu dambeytii la gaaray yoolkii la hiigsanayay ee ahaa in mar uun dalka Soomaaliya laga dhiso Dowladd uu hogaamiye u yahay shaqsi Culimo ah Isla markaana jecel in uu dalka ku maamulo Diinta Islaamka.
 
Shiikh Mahad Max'uud Cumar oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Beledweyne oo hadlay ayaa sheegay in laga soo bilaabo Dowladii Max'ed Siyaad Bare ilaa tii ugu danbeysay ee uu Maamulayay C/laahi Yuusuf ay ahaayeen kuwo ka soo horjeeda Shareecada Islaamka, dalkana ku dhaqayay nidaam aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka, isag oo intaas raaciyay in dhamaan Dowladahaasi la og-yahay halkii ay ku danbeeyeen.
 
"Shiikh Shariif Shiikh Axmed markii uu yimid Magaalada Beledweyne, weynu weydiinay sababta uu Dowladda ula heshiiyay, waxaana uu xiligaas inoo sheegay sababo la qaadan karo, gaar ahaan waxaan xasuustaa in uu yiri dariiq kasta aan u marno waxa aan doonayo waa in dalka lagu maamulo Shareecada Islaamka, sidaa daraadeed waxaan filayaan mar haddii uu isaga ku soo baxay hoggaanka Dalka in uu ka dhabeyn doono wixii uu aaminsanaa.
 
Sidoo kale waxaa hadlay Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo sheegay in maanta la guranayo mirihii halganka, Shiikh Shariifna uu  yahay Nin Culimo ah oo u qalma xilka loo dhiibay, isagoo kula dar daarmay dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan "" Dadka Soomaalida ah waxaa lagu yaqaanaa in ay wax Mucaaradaan oo kaliya, mana aha arin wanaagsan marka aynu wada taageerno Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sida uu sheegay Shiikh C/raxmaan Ibaraahim Macow ah shaqsi is badal keeni kara.
 
Marka la eego taageerada Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ma'aheyn mid 100% ah, waayo waxaa ay dhinaca kale ka digayeen in uu iska ilaaliyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed in uu ku dhax milmo nidaamka Dimoqraadi ah iyo Dastuur  ku saleysan oo ah tan hadda ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka.
 
Si kastaba arrintu  ha ahaatee, waa is-badal cusub iyo waa hor leh oo baryay maadaama Baarlamaanka Federaalka oo ka kooban 550 Xubnood ay 475 isku raaceen in uu Madaxweyne u noqdo Dalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed Shiikh Max'uud oo mar ahaan jiray hogaamiye si weyn uga soo horjeeda qaabka ay dhisan tahay Dowladda Federaalka ee uu maanta Madaxweynaha ka yahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia