Sabti, January 31, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa saaka lagu dhaarinayaa Hotelka Kampiniski ee Magaalada Jibouti, iyadoo dhaarintiisana ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Dowladda Jibouti iyo wakiillo ka socda Beesha Caalamka.
Xafladda dhaarinta ayaa waxay soo gebagebeyn dadaal muddo 8 bilood ku dhow socday, kaasi oo ay Qaramada Midoobay horseed ka ahayd, isla markaana ay ku dooneysay in ay ku heshiiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu Madaxweyne Shiikh Shariif uu u amba baxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qeybgelayo shir ay isugu imaanayaan madax ka socota Qaaradda Afrika.
Dowladda Itoobiya oo soo dhaweyneysa madaxda qaaradda Afrika ee shirka u imaaneysa Addis Ababa ayaa waxay si heer madaxweyne ah u soo dhaweyn doontaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo intii aanu ku soo biirin geedi-socodka nabadeynta Jibouti uu xiriirkooda xumaa.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa saaka waaberigii markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ku dadaali doonto sidii ay dalalka bariga Afrika ugu dhaqmi lahaayeen derisnimo wanaag, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya aysan ahayn meel caalamka looga duulo, taasi bedelkeedna ay tahay in mid ay ku nool yihiin dad masaakiin ah oo nabad raadsanaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia