
Sabti, January 31, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxay noqotay meeshii ugu horeysay oo laga taageeray doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Dadweyne aad u faro badan ayaa waxay isugu soo baxeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna dadweynahaas ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay ku taageerayeen madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.
Dadka bannaanbaxa dhigayay oo da’aad kala duwan isugu jiray ayaa waxay u badnaayeen kuwo iskood isugu soo uruuray oo aaney jirin cod u yeertay in ay banaanbax isugu yimaadaan. Qaarkood oo aan weydiinay sababta ay u taageerayaan madaxweynaha cusub waxay ku shegeeen in ay tahay in uu yahay nin dhalinyaro ah oo doonaya in uu dadka iyo dalka si cadaalad ah u xukumo, waxayna tusaale u soo qaateen lixdii bilood ee uu madaxda ka ahaa Maxkamadaha Islaamka.
Qaar kale oo dadkaas ka mid ah ayaa waxay taageeradooda ku sababeeyeen in uu Shiikh Shariif ku guuleystay in uu dib u furo Dekedda iyo Garoonka Muqdisho oo aya dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay uga baxeen dhibaato ka heysatay dhinaca duulimaadyada iyo soo degsashada iyo dhoofinta badeecooyinka.
Banaanbax ka weyn mid ay dhigeen dadka isugu soo baxay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la filayaa in uu ka dhaco garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo halkaasina ay isugu tegi doonaan taageerayaashiisa.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia