Sabti, January 31, 2009(HOL): Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna labaduba sheegeen in uu yahay ninkii ugu mudnaa ee madaxweyne loo dooran lahaa.
Abwaan Abshir Bacadle ayaa sheegay in dadkii isugu tegay Jibouti ay soo doorteen midkii ugu kheyrka badnaa, wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo, isla markaana uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayo in ay soo dhaweeyaan.
Abwaanka waxaa uu intaas kadib farriin u diray Shiikh Shariif Shiikh Axmed, wuxuuna kula taliyay in uu kaalin ka geysto sidii Kitaabka Alle loogu xukumi lahaa dadka Soomaaliyeed, “Kitaabka Alle ayaa anfacaya Dadkan waayo amni ayay u baahan yihiin, amnigana isaga ayaa wata”ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle.
“Intaas kadib waxaan rabaa in aan ugu baaqo dadka Soomaaliyeed in aan loo baahneyn in dagaal dambe xal lagu raadiyo, hadda dagaal in wax lagu raadiyo waxaa ka dhow in wada hadal wax lagu raadiyo, dadkana nabad ayay u baahan yihiin, mana la qasbi karo”ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle.
Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa isna soo dhaweeyay doorashada Shiikh Shariif, wuxuuna caddeeyay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya (C/llaahi Yuusuf) iyo Madaxweynaha cusub (Shiikh Shariif) uu farqi weyn u dhaxeeyo, “markii uu C/llaahi Yuusuf madaxweynaha ahaa qofkii sunnada rasuulka ka muuqato waa la xiri jiray, lana dili jiray, laakin hadda waxaan arkeynaa in kuwii isaga ka haray xitaa ay cimaado xirteen”ayuu yiri Abwaan Gure.
Abwaanka waxaa uu intaas kadib kula taliyay Shiikh Shariif in uu maanka ku hayo in howl adag hor-taallo, isla markaana looga baahan yahay in uu dadka isu keeno, si gaar ahna wuxuu ugu tilmaamay in xilka loo doortay uu mug weyn yahay tiiyoo uu jirin kursi iyo miis (dalka oo baaba’san ayuu ula jeedaa).
Hadalka soo dhaweynta ah ee ay sii daayeen labadan Abwaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay hadallo soo dhaweyn ah oo ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, kuwaasi oo la dhacsan doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia