Shacabka Boosaaso oo soo dhaweeyay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed

Cabirka Farta

Sabti, January 31, 2009(HOL): Dadka ku dhaqan magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsi ee DGPL oo ahaa kuwa si aad ah ula socday doorashada madaxwaynaha Somalia ayaa soo dhaweeyay Madaxwaynaha Cusub ee la doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ,kaasi oo dalka hagi doona labada sano ee soo socota.
 
Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay aad ula dhac sanyihiin isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Somalia ,waxayna  sheegeen in soo dhawaynayaan madaxwaynaha Cusub.
 
Sidoo kale shacabka qaar ayaa madaxwaynaha kula taliyay in uu dajiyo xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Somalia ,waxaana ay ku baaqeen in dib loo soo celiyo qarinimadii dalka Somalia lagu yaqaanay, iyadoo ay jiraan mugdiyo siyaasadeed.
 
Madaxwaynaha ayaa iminka waxaa hor yaala xaalado badan oo ay ka mid tahay qancinta kooxaha qaar ee ka dagaalama Koonfurta Dalka Somalia iyo in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaare soo dhisi doona Golahiisa Wasiirrada.
 
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxwaynaha Cusub ee Somalia ayaa kaga guulaystay musharaxiintii la tar tamaysay ee Maslax Maxamed Siyaad Barre codad gaaraya 293 cod oo ka mid ah codadka Xildhibaanada baarlamanka Somalia ,waxaana dadka Bosaaso ay ahaayeen kuwa indhaha ku haya shaashadaha qaar oo si live ah looga daawanayay doorashadii xalay ka dhacday guriga umadda ee Dalka Jabuuti.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia