Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo ku heshiiyay in ay Dowlad-Midnimo-Qaran ku dhistaan Jibouti

Cabirka Farta

Sabti, January 17, 2009(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa ku heshiiyay in ay Jibouti ku dhistaan Dowlad-Midnimo-Qaran.

Guddiyo labada dhinac ka kala socda oo in muddo ah shirar ka lahaa arrintaas ayaa ugu dambeyntii waxay soo saareen war murtiyeed ay ku sheegayaan in ay gaareen heshiis ah in ay dhistaan Dowlad-Midnimo-Qaran, iyadoo laga bilaabayo in la isku daro oo la ballaariyo Xubnaha Baarlamaanka labada dhinac.

Xubnaha Baarlamaanka ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo 275 xubnood gaaraya ayaa 200 oo ka mid ah waxaa lagu qeybiyay qaabka Afar Beelood iyo Bar (4.5), iyadoo Afarta Beelood ee waa weyn-na ay heleen min 44 Xubnood, halka Beesha Barka loo aqoonsaday la siiyay 24 xubnood. 75-ka mudane ee hartayna waxaa uu Isbaheysiga u reebay cid kasta oo loo arko in ay muhiim u tahay ku jirtaanka Dowladda Midnimo-Qaran ee la soo dhisayo.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isna lagu soo xulay qaab-qeybsiga Afar Beelood iyo Bar ah ayaa waxay afarta beelood u qeybsadeen min 61 xubnood, halka Beesha Barka loo aqoonsadayna ay heshay 31 xubnood.

Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda waxaa laga filayaa in ay soo gudbiyaan xubnahooda Baarlamaanka, iyadoo marka ay soo gudbiyaan kadibna la isku darayo xubnaha Baarlamaanka labada dhinac oo isku darkooda uu noqonayo 550 Mudane.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia