Xildhibaan Cabdi Cabdule Saciid {Jinni Boqor} oo isu sotaagay xilka madaxweynenimada Soomaaliya

Cabirka Farta


Sabti, January 17, 2009(HOL): Xildhibaan Cabdi Cabdulle Jinni Boqor oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ka sheegay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, isagoona muujiyay sida uu doonayo xilkaas.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu si weyn u rajeynayo inuu ku guuleysto xilka Madaxtinimada, isla markaana shacabka uu doonayo inuu dhibaatada ragaadiyay ka samata bixiyo, isagoo adeegsanaya waaya aragnimo iyo karti dheeraad ah waa sidoow hadalka udhigaye .

Waxaa uu sheegay Jinni Boqor in uu  ka duwan yahay Xildhibaannada isu soo sharaxay xilka madaxtinimada Soomaaliya oo uu doonayo in uu mideeyo garabyada siyaasadda Soomaaliya mana sheegin wax qabadkiisa ku aadan madaxtanimada..

Kaliya waxuu sheegay inuu wax qabadkiisa ka horsheegi doono markii la mideeyo 550-ka Xildhibaan ee matalaya umadda Soomaaliyeed..

Cabdi Cabdule Saciid {Jini boqor} ayaa ka mid noqonaya Xildhibaano caan ah oo ka tirsan Baarlamaanka kuwaasoo ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geeddi, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere)  iyo Maxamed Qanyare Afrax, oo dhowaantan shaaciyay inay u taagan yihiin musharaxnimada xilka Madaxweynenimada.

Cabdiraxmaan Diiriye Nuur
[email protected]
Nairobi, Kenya