Sabti, January 17, 2009(HOL): Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ka qeybgelaya shir ay isugu imaanayaan Dalalka Carabta oo ka dhici doona Dalka Kuweyt.
Labada Mas’uul oo ka kala tegay Magaalooyinka Djibouti iyo Baydhabo ayaa waxay isugu tageen Magaalada Nairobi, halkaasi oo ay iska sii raaci doonaan, iyadoo la sheegayo in marka ay shirkaas ka soo laabtaanna ay wada tegi doonaan Magaalada Djibouti oo la qorsheynayo in ay ka dhacdo doorashada madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay Soomaaliya yeelato.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaanahan wuxuu u ololeynayay in la doorto madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Nuur Cadde-na uu doonayo in la dhismo Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay ku wada jiraan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
La arki doonee wax is-bedela marka ay labadan mas’uul ka soo noqdaan shirka ay ugu socdaan Dalka Kuweyt, iyadoo Jibouti iyo Baydhabo ay labaduba ka socdaan qaban qaabo loogu jiro Doorashada madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran iyo doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia