
Sabti, January 17, 2009(HOL): Ibraahim Tifow Aadan iyo Ifraax Maxamuud Maxamed labadaba waa dhaawac cuslus waxaa ku dhacday rasaas ay ku fureen maleeshiyooyin ku kala sugan Muqdisho iyo meel u dhaxeysa Degmooyinka Kismaayo iyo Jilib.
Ibraahim Tifow waxaa isagoo ku soo dhaawacmay Jubbada Dhexe dhaawaciisa la geeyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Madiina, hayeeshee dhaawacii soo gaaray oo aad u cuslaa aawgiis waa lagu guuleysan waayay in la daweeyo, wuxuuna maray 21 qalliin, waa sida uu isaga ii sheegay.
Ibraahim wuxuu sidoo kale ii sheegay in markii Isbitaalka Madiina wax looga qaban waayay daweyn loo geeyay dalka Jibouti, hayeeshee dhowr qalliin oo halkaas lagula sameeyay wax looga qaban waayay Dhaawaca uu qabo.
Xabadda oo kaga dhacday Caloosha, isla markaana burburisay mindhicirrada iyo kaadi-heysta darteed ayuu Ibraahim soo saarista kaadida iyo saxarada u isticmaalaa labo bacood oo uu midna u isticmaalo kaadida midda kalena saxarada.
Halkan ka dhegeyso Wareysi kooban
oo aan Ibraahim la yeelanay

Ifraax Maxamuud Maxamed iyadana waxay qabtaa dhaawac midkaas la mid ah oo soo gaaray iyadoo ku sugneyd nawaaxiga Isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho. Ifraax waxay ii sheegtay in markii xabadda ku dhaceysay ay lahayd Uur, canugii ay uurkiisa lahayd oo 8 bilood jir ahaana uu caloosha ku dhex dhintay kadib markii ay xabad kalxanta kaga dhacday.
Ifraax waxay ii sheegtay in markii ay dhaawacantay la geeyay Isbitaalka Madiina, seddex qalliin oo ay martay kadibna loo sheegay in aan xaaladdeeda dalka gudahiisa waxba looga qaban karin. Si la mid ah Ibraahim gabdhan Ifraax waxay iyadana xabadda ka burburisay Mindhicirrada iyo Kaadi-heysta, waxayna soo saarista kaadida iyo saxarada u isticmaashaa labo bacood oo ay midna u isticmaasho kaadida midda kalena saxarada.
Halkan ka dhegeyso Wareysi kooban
oo aan Ifraax la yeelanay
Haddaba labadan Qofood oo uu dhibka weyn soo gaaray, waxay u baahan yihiin in ay helaan daweyn dibadda ah, waxaana qof kasta oo doonaya in uu caawinaadooda ka qeyb-qaato uu la xiriiri karaa:
Caabiyo Ciise
612-298-1044
Fartuun Hussein
612 481-4623
Minneapolis Minnesota
ama [email protected]
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia