Sabti, January 17, 2009(HOL): Xoogag hubeysan ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah ku leeyihiin Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Weerarka lagu qaaday Ciidamadaas ayaa wuxuu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Baardheere iyo Xarunta ADC-da, iyadoo xiliga uu dhacayna ay ahayd abaara 4-tii habeennimo.
Weerarkan oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa waxaa sheegtay Koox la baxday Mujaahidiinta Soomaaliya. Barre Maxamed Faarax oo kooxdan u hadlay ayaa sheegay in ay khasaare u geysteen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ay weerareen iyo weliba Maleeshiyadii Soomaalida, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dhinacooda aysan wax khasaare ah oo soo gaaray.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Hoggaamiyayaasha Maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee la weeraray, kaasi oo ku saabsan waxa ka jira in weerar xalay lagu qaaday uu khasaare ka soo gaaray.Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo lagu qaado Ciidamada Itoobiyaanka iyo Maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee la socda, waxaana horay u jiray weerar midkan ka horeeyay oo lagu qaaday.
Dadka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa cabsi ka muujinaya weerarrada ka dhacaya Magaaladaas oo ku jirtay kuwa ugu nabdoon Soomaaliya ka hor intii aysan gaarin Xoogagga is-ceyrsanaya, waxaana jiray Dad u adkeysan waayay weerarrada magaalada ka barakacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia