Sabti, August 29, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed la kordhin doono, mushaarooyinna loo bilaabi doono.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in la kordhinayo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, tababarro-na loo furi doono.
“Waxaa ku sugan Magaalada Muqdisho Saraakiil iyo Ciidamo Boolis ah oo Amisom ka tirsan, kuwaasi oo tababarro u fidin doona Ciidamada Booliska Soomaaliya”ayuu yiri Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu intaas ku daray in Bisha Oktoobar ee soo socota mushaarooyin loo bilaabi doono Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in markaas kaddib ay Ciidamada Booliska wax weyn ka qaban doonaan ammaanka Magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya oo ay dhinaca Ammaanka ka taageerayaan Ciidamada Amisom ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u sameyn lahayd Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah, kuwaasi oo mustaqbalka la wareegi doona sugidda ammaanka dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya