Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo u dhoofay Dalka Liibiya

Sabti, August 29, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka waxay ka amba baxeen magaalada Muqdisho, waxayna u dhoofeen Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa wuxuu Dalka Liibiya uga qeybgelayaa shir aan caadi ahayn oo uu Midowga Afrika ku yeelanayo Liibiya iyo weliba xuska sanadguuradii 40aad ee ka soo wareegatay markii xukunka dalkaas qabsaday Madaxweyne Mucamar Al-Qadaafi.

Socdaalka uu Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ugu amba baxay Dalka Liibiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu dalka Dibadda uga maqnaa, waxaana haatan dalka madax ka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo Kusime u ah Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Prof. C/raxmaan Ibbi oo isna Kusime u ah Ra’iisal Wasaaraha.

Waa socdaalkii labaad oo uu Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ku tago dalka Liibiya, dhawaan ayayna ahayd markii uu magaalada Sirta ee Dalka Liibiya uga soo qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo socdaal ku maraya labo Waddan oo Khaliijka Carabta ka tirsan ayaa wuxuu ku soo fool leeyahay Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, halka uu horay u soo booqday Dalka Qadar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya