Soomaaliya oo ka qeybgeleysa tartanka Kubadda Gacanta ee Dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika

Sabti, August 29, 2009(HOL): Saaka subaxnimadii ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka amba baxay wafdi isugu jira madax ka socota Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta, ciyaartoy, macallimiin iyo saraakiil jir-dhiska iyo caafimaadka u qaabilsan Xiriirka Kubadda Gacanta Soomaaliya, waxayna ku sii jeedaan Magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, halkaasi oo uu ka dhacayo Tartanka Kubadda Gacanta ee Dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenow oo HOL uga warramay safarka Ciyaartoyda ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay ciyaartoy ka socota Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta ay ka qeybgalaan tartamo dibadda ah tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore, wuxuuna rajo ka muujiyay in ciyaartoyda Soomaaliya meteleysa ay guulo ka soo hoyn doonaan tartankaas.

“Wafdiga maanta baxaya wuxuu ka kooban yahay 23 xubnood, wuxuuna isugu jiraa madax xiriirka Kubadda Gacanta meteleysa, 14ciyaartoy, 2 macallin, 2 jir dhise iyo 2 garsoore waxaana hoggaaminaya Muxyaddiin Cali Caddow oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Xiriirka”ayuu yiri Maxamed Xuurshe Xasan Eenow, guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay dalalka Soomaaliya, Jibouti, Kenya, Ethiopia, Tanzania, Suudaan, Rwanda, Burundi iyo kuwo kale, waxayna Soomaaliya isku koox yihiin Dalka Suudaan iyo dalal kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya