Roob lagu qabowsaday oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho

Sabti, August 29, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saacidihii la soo dhaafay waxaa ka da’ayay roob ay ku qabowsadeen dad weli baaqiga ku sii ah magaalada.

Roobkani oo xoog lahaa ayaa wuxuu biyo dhigay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin wax burbur ah oo uu roobkan geystay.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay hadal hayaan in rasaas ka dul-dhici jirtay bedelkeed ay haatan heleen roob ay ku qabowsadeen, iyadoo weliba lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhanka kalena, Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa waxay tahay mid deganeyn 36-dii saacadood ee aanu ka soo gudubnay, mana jirin wax iska hor-imaadyo ah oo jiray.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay muddo sanado ah ku nool yihiin xaalad nabadgelyo darro ah iyadoo mudadaasna ay ka soo bilaabaneyso markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya