Gaadiidka Dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Degmada Dharkeenley iyo Suuqa Bakaaraha oo shaqo-joojin sameeyay

Sabti, August 29, 2009(HOL): Waxaa gebi ahaanba shaqo joojin sameeyay gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Degmada Dharkeenley iyo Suuqa Bakaaraha, iyadoo Gaadiidleydana ay sheegeen in ay shaqada u joojiyeen sababo la xiriira duruufo la soo dersay.

Gaadiidleyda ayaa sheegay in ay go’aanka shaqo joojinta qaateen kaddib markii inta u dhaxeysa Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Dharkeenley la soo dhigay Isbaarooyin tiro badan, kuwaasi oo lacago aan sharci ahayn looga qaado gaadiidleyda.

Isbaarooyinkan ayay sheegeen Darawallada Gaadiidkaas in ay u yaalliin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo weli meelo isu muuqda dhigtay Isbaarooyinka ay lacagaha sharci darrada ah ku qaadaan.

Dowladda Soomaaliya oo dhawaan howlgelisay Ciidamo Daraawiish ah oo la dagaallama Kooxaha falalka burcadnimada ah geysta iyo weliba Ciidamada Dowladda ee iyana lagu soo eedeeyo in ay falal amni darro iyo burcadnimo ah geystaan ayaa waxaa laga sugayaa in ay wax ka qabato cabashooyinka ka imaanaya Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhaxeysa Degmada Dharkeenley iyo Suuqa Bakaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya