Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo canbaareeyay dilkii Wadaadada Tabliiqa ah loogu gaystay magaalada Gaalkacyo

Arbaco, August 12, 2009(HOL): Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)  ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada Gaalkacyo ee gobolka Mudug si weyn u canbaareeyay dilkii loogaystay wadaaddo Tabliiq ah oo ka yimid dalka Pakistan,waxa uuna sheegay in dilkaasi laga soo abaabulay Koofurta maagalada Gaalkacyo.

Waxa uu shirkiisaas jaraa'id ku sheegay madaxweynaha  in ay dilkaas ka dambeeyeen dad doonaya in ay xumeeyaana ammaanka Magaalada Gaalkacyo oo ay ka taliyaan labo maamul oo kala ah Gal-mudug iyo Puntland.

Mudane C/raxmaan Faroole waxa uu maamulka Gal-Mudug iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ku boorriyay in ay gacanta ku soo dhigaan kuwa ku howlan ammaan xumida gobolka ee marka ay wax sameeyaan dhanka Konfureed u baxsanaya, wuxuuna maamulka Gal-mudug ka codsaday in ay maamulka Puntland kala shaqeeyaan ammaanka.

Waxaa iyana arinka dilka loogu gaystay magaalada Gaalkcayo Wadaadadan Tabliiqa ah ee dalka Pakistan u dhashay iyana dhankooda ka canbaareeyay maamulka Gal-Mudug iyo Culuma Owdiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Baaqan madaxweyne C/raxmaan Faroole u soo jeedshay maamulka ay dariska yihiin ee Gal-Mudug iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jumeeca ku ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili magaaladaasi ay ka jiraan xaalado deg deg ah oo lagu soo rogay dhawaan kaddib markii halkaasi si bareer ah dharaar cad  loogu toogtay wasiirkii warfaafinta maamul goboleedka Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka).

Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya