Arbaco, August 12, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu hadda ka socdaa xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasna uu yahay mid si kedis ah ku bilwoday.
Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in dagaalka dhexmaraya uu si kedis ah ku bilowday kaddib markii gaari ay la socdeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen ciidamo kale oo iyana dowladda Soomaaliya ka amar qaata.
Dagaalka ayaa wuxuu xooggiisa ka socdaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo KM5 iyo Xaafadda Zone K ee Degmada Hodan, waxayna ciidamada dagaallamaya isku ridayaan madaafiic iyo rasaas xooggan.
Lama oga ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo uu dagaalkan geystay, waxaana ugu wacan iyadoo weli uu dagaalka socdo, isla markaana aan la geli karin goobaha uu dagaalka ka socdo.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya