Qaramada Midoobay oo sheegtay in kala bar Dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin caawimaad deg deg ah

Arbaco, August 12, 2009(HOL): Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka kaalmooyinka (OCHA) ayaa sheegay in xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya ay gaareen meel aad u hooseysa.

Dagaallo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanayay kuwa Amisom iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda iyo abaaro ka jiray gobollo dhowr ah oo ku yaalla Soomaaliya ayaa waxay sababeen in kala bar dadka Soomaaliyeed ay u baahdaan mucaawino.

Afhayeen u hadlay OCHA oo lagu  magacaabo Elizabeth Byrs ayaa ka sheegtay magaalada Geneva in xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya ka jira ay maalinba maalinta ka dambeysa ka sii darayaan, “Xaaladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya waa ay ka sii dareysaa, waxaa jira dad gaaraya 3.2 milyan oo u baahan kaalmo deg deg ah, seddexdii bilood ee la soo dhaafay kaliya shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho waxay noqdeen kuwo dhibanayaal u ah madaafiicda ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaallamaya”ayay tiri Elizabeth Byrs oo sheegtay in dagaallada Muqdisho oo soo bilowday bishii May ay sababeen barakaca dad gaaraya 3.9 milyan.

Waxay intaas ku sii dartay Elizabeth Byrs in qalalaasaha bani’aadannimo ee ka dhashay dagaallada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay uga sii dareen abaaro dalka ka jira, kuwaasi oo ka dhashay muddo afar sano ah oo aaney roobab helin gobollada ay abaaraha ka jiraan.

Waxaa sheegtay Elizabeth Byrs in dadaallo dhinaca bani’aadannimada ah oo ay Qaramada Midoobay ka bilaabi lahayd Soomaaliya ay daciifiyeen nabadgelyo la’aan ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku nool yihiin dadka gargaarka deg degta ah u baahan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya