Mudanayaasha Wakiillada Somaliland oo ansixiyay Mooshin ka dhan ah Go’aan hore u gaareen Madaxweynaha iyo Guddida Doorashadu

Arbaco, August 12, 2009(HOL): Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ahayd goob uu ka socday hirdan Siyaasadeed u dhaxeeyay Xildhibaannada ka soo kala jeeda Axsaabta Mucaaradka ah iyo Xisbiga UDUB, ujeedadiisuna ahayd kala jiidasho la xidhiidha Mudanayaasha. Iyadoo ay qolo waliba dhinacooda ka doonayso in ay ku guulaysato ujeedadooda.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo cod loo qaadayay Mooshin ay hore u soo bandhigeen Xildhibaano ka tirsan Golaha oo la xidhiidhay go’aanka laalista Xukuumadda iyo Komishanka ee natiijada Diiwaangelinta, ayaa Mudanayaasha Axsaabta Mucaaradka ahi dedaal ugu jireen sidii loo buuxin lahaa Kooramka, si uu fadhiga Goluhu u furmo. Taas oo qaadatay muddo 3 saacadood ah in uu Goluhu u xannibnaado tiro Mudanayal ah oo buuxiya Kooramka fadhiga. Halka dhinaca kalena, Mudanayaasha Xisbiga UDUB ee muxaafadka ah ay gebi ahaanba dibedda ka joogeen  fadhigii maanta ee Golaha, hase ahaatee, waxay dibedda Hoolka Shirku ka socday u taagnaayeen in ay Mudanayaasha Mucaaradka ahaa ee taabacsan Mooshinkan qaar ka mid ah ku qanciyaan inay fadhiga ka soo baxaan oo aanay u codaynin. Taasina waxay muran ka dhex dhalisay labada dhinac ee Mudanayaasha Mucaaradka iyo Muxaafadka.

Inkasta oo abbaaro 9:00 subaxnimo ee saaka ilaa 12:15 Duhurnimo uu fadhiga Goluhu u xannibnaa tirada Mudanayaasha ee fadhigu ku furmi lahaa oo aan buuxin, taasina ay farxad-gelinaysay Mudanayaasha Muxaafadka ah, ayaa haddana goor dambe oo duhurkii ah ay tirada Mudanayaashu buuxsantay, isla markaana fadhigii Goluhu furmay, ka dib markii Mudanayaal kale oo Golaha ka maqnaa loo yeedhay. Intaa ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo guddoominayay fadhigan maanta ayaa halkaa kaga dhawaaqay go’aan soo-jeedin ah oo u dhignaa sidan;

-In Go’aankii laalista natiijada Diiwaangelinta ee Xukuumadda iyo Komishanka uu yahay mid sharci-darro ah, isla markaana ay Komishanku adeegsadeen awood aanay lahayn.

-In Madaxweynaha iyo Komishanku muddo kooban gudaheed kaga noqdaan go’aankaas, si toos ahna ugu dhaqmaan Xeerarka Doorashada.

-In Goluhu tallaabooyin distoori ah oo sharciga waafaqsan, sida xil-ka-xayuubin qaadaan haddii Madaxweynaha iyo Komishanku aanay go’aanka Golaha fulinin.

-In XUkuumaddu ka fogaato waxyaabaha xumayn karaya xidhiidhka Somaliland la leedahay Caalamka iyo taageerada kooban ee ay siiyaan Somaliland. Madasha waxa fadhiya 43 Mudane, waxa go’aankan u codeeyay oo meel-marintiisa ansixiyay 39 mudane, waxa diiday 2 mudane, guddoomiyuhuna muu codaynin. Sidaas ayuu Guddoomiyuhu u sheegay in uu go’aankani ku ansaxay.

Ansixinta go’aankan waxa sharci-darro ku tilmaamay Mudanayaasha Xisbiga UDUB oo ilaa intii fadhigu socday hadba Daaqad ka soo taagnaa Hoolka Shirku ka socday, isla markaana hadba meel ka mid ah xayndaabka Golaha dhexdiisa ee dibedda ka ah Hoolka Shirka ku yeelanayay kulan gaar ah.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland