Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay in ay u aari doonto culumaa’udiin saaka aroortii lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Arbaco, August 12, 2009(HOL): Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shaaca ka qaaday in ay u aari doonto culumaa’udiin Tabliiq ah oo saaka aroortii lagu dilay gudaha Masjid ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay u aar-gudi doonaan culumaa’udiinkaas, wuxuuna sheegay in ay cambaareynayaan falkii lagu dilay.

Waxaa uu sheegay Shiikh Cali Dheere in aysan markii ugu horreysay oo Culumaa’udiin Tabliiq ah lagu dilo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in horay Masjidka Al-Hidaaya ee Magaalada Muqdisho loogu dilay Culumaa’udiin Tabliiq ah, kuwaasi oo uu xusay in qaarkood la silac-dileeyay, qaar kalena la gowracay.

Mar la weydiiyay Shiikh Cali Dheere in Culumaa’udiinkaas ay ahaayeen kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeday Qaaradda Aasiya, gaar ahaan Dalka Pakistan waxaa uu sheegay in aysan dadka Muslimiinta ah jinsiyado kala lahayn, isla markaana ay yihiin dad walaalo ah.

Waxaa uu intaas ku daray Shiikh Cali Dheere in ay ugu baaqayaan Culumaa’udiinka Tabliiqa in ay iska difaacaan kooxaha mar walba weerarka ku soo qaada ee dhibaatada u geysta, wuxuuna caddeeyay in ay xaq u leeyihiin in ay iska difaacaan cid kasta oo naftooda soo weerarta.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka aroortii lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo shan Culumaa’udiin ah oo la sheegay in ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen dalka Pakistan, iyadoo dilka culumaa’udiinkaasna ay geysteen rag hubeysan oo wejiga soo duubtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya