Jimco, May 09, 2008(HOL): Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaana Magaalada Boosaaso ayaa maata 9:50 subaxnimo waxa ay xabsiga u taxaabeen Agaasimaha warbaahinta caalamiga ah ee SBC Eng Mowliid Xaaji Cabdi iyadoo aan la garanaynin sababaha rasmiga ah ee Agaasimaha xabsiga loogu taxaabay saakay.

Agaasimaha Idaacadda iyo TV-ga SBC- Mowliid Xaaji Cabdi
Ciidamada ayaa intii aanay agaasimaha ka kaxaysanin xarunta hayadda warbaahinmta SBC waxaa ay u sheegeen in ay doonaan in ay isaga kaxaystaan isla markaana uu yahay amar ay u qabaan in ay xabsiga u taxaabaan iyaga oo aan sheegin amaba aan sidin wax warqad caddayn ah taasi oo lagu caddaynayo in Agaasimaha Warbaahinta SBC loo baahanyahay.
Ciidmada Ka xaystay Eng Mowliid Xaaji Cabdi Ayaan la ogeyn Halka ay la aadeen walow ay sheegeen in Agaasimaha Lagu xirayo Saldhiga Dekada Magaalada Boosaaso
Ciidmadan Xarunta SBC ka kaxayetsay Agaasimaha ayaa Xarunta Hayada warbaahinta SBC waxay u soo galeen Si aan waafaqsaneyn Sharciga Xariga Saxafiga Marka uu Danbi leeyahay
waxayna Soo galeen Qeybta Qaabilaada Xarunta SBC,waxayna Shegeen inay rabaan Agaasimaha SBC Xilligaasi waxaa loo soo gudbiyay Askarigii horsocday Ciidamada Xabsiga Dhigay Agaasimaha SBC Eng Mowliid xaaji Cabdi waxayna Xafiiska Agaasimaha ugu soo Galeen Iyadoo Ay wada Fadhiyaan Madax shaqaalaha SBC Axmed Shaam waxaana ay u sheegeen in looga baahan yahay Dekada oo ay u yeerayaan Taliyaha Dekada & Wasiirka Aminiga Puntland.
Agaasimaha waxaa uu u sheegay in uu amarkaasi qaatay islamarkaasina uu imanayo halka laga doonayo ,waxaana uu askarigii ku jawaabay inaynan marnaba ka tageyn inuu raaco Mooyee,inataa ka dib waxaa uu Agaasimaha u sheegay in dalbanayo gaarigiisa uuna Raacayo oo ay sugaan Qadar daqiiqado.
Intii uu Gaariga uu sugayay ayaa Ciidamadii loo soo diray Agaasimaha waxay Xoog ku soo jireen Qeybta Qaabilaada Iyagoo soo fuulay qolka warqabadka hayawarbaahinta SBC Halka qaarkalena ay Ay gudaha u galeen Studio-ha Kowaad ee SBC Intenational Xilligaasi oo Idaacadu Hawada ku jirtay ka dibna waxay Askartaasi u sheegeen inayn Sugeyn oo ay Qasab ku ka xaynayaan Agaasimaha SBC Taasi oo ah mid aan waafaqsaneyn Sharciga Saxafiga .
Intaa ka dib waxay Agaasimaha Saareen Gaarigii ay Ciidamada Wateen oo noociisu ahaa Nooca Sabuun Qubeysta, Ciidamada Agaasimaha Ka xayetay waxay sidoo kale Xilligii ay qasbayeen Agaasimaha ka qaadeen Mobilka Madaxa Shaqalaaha SBC Axmed Shaam oo Xilligaasi uu kula hadalayay Mulkiilaha SBC Cali Cabdi Awaare oo u sheegay Mowliid inuu qaato Amarka Ciidamada Ka Xaystay oo uu raaco.
Ma cadda ilaa & hadda Sababta dhabta ah ee loo xiray Agaasimaha Guud ee Hay’adda warbaahinta SBC, sidoo kalena waxaanan caddeyn sida uu yahay Xaalka Agaasimaha Guud ee SBC & halka ay sida rasmiga ah ugu xirteen qaarka mid ah howlwadeenada SBC international oo goor dhoweyd tagay Xarunta Dekadda si ay u soo arkaan Agaasimaha halka uu ku xiran yahay ayaa loo gudbiyay isla markaana waa ay u ogolaadeen in ay arkaan .
Masuuliyiinta Hayada warbaahinta SBC & Madaxda waaxyaha & Dhamaanba Shaqaalaha Hay'adda Warbaahinta SBC ayaa kulan ballaaran oo ay ka yeesheen Arintani waxay ku tilmaameen mid sharci dara ah oo lidi ku ah Madaxbanaanida Xoriyada Hadalka ee Saxaafadda .
Baaq ay soo saareen Mas’uuliyiinta & Howlwadeenada SBC Waxay ku Canbaareeyeen Xariga Eng. Mowliid Xaaji Cabdi oo sheegeen inay ka Xun yihiin Xariga islamarkaana ay ka codsanayaan Masuuliyiinta Maamulka inay xoriyadiisa Dib ugu Soo celiyaan
Isha Warka: SBC